U bood dhigaalka

Hormuud Salaam Foundation, oo Matoor Dabka Dhaliya Ugu Deeqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Ee Banaadir

Sheeko:Caafimaadka

Hay’ada Hormuud Salaam Foundatio ayaa  matoor dab dhaliye ah oo weyn ugu deeqdey  isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir. Matoorkan ayaa loogu talagalay in isbitaalka uu ku shaqeeyo maadaama isbitaalka ay ka jirtay matoor yari waxaana arintan ay timid ka dib codsi ka yimid Maamulka sare ee Isbitaalka Banaadir.

Munaasabad kooban oo maanta  lagu qabtay xarunta isbitaalka ayaa waxaa  kasoo qeyb galay Wasiiru dwolaha wasaarada Caafimaad Soomaaliya , Marwo Maryan Maxamedd Xuseen Madaxa, Hay’ada Hormuud Salaam Foundation iyo maamulka isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan  ayaa faafahin ka bixiyay Matoorka ay  maanta  ku wareejiyeen maamulka isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir . Gudoomiyaha waxaa uu sheegey in aanay aheyn markii ugu horeysey oo aay Isbitaalka caawiyaan, wuxuuna sheegey ineey horey caawimaad badan u fidiyeen maadaama uu yahay Isbitaal u adeega Hooyada iyo dhallaanka, HSF, aay markastaa mudnaanta siiso Hooyada iyo dhallaanka.

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif oo dhankeeda ka hadashay munaasabadda lagu wareejinayay qalka  ayaa sheegtay in Matoorkaan uu waxbadan katari doono baahida isbitaalka iyada oo u mahad celisay Hay’ada Hormuud Salaam Foundation, oo caawinaad lasoo garan taagneyd Isbitaalka wakhti badan.

Agaasimaha waaxda Caafimaadka ee Wasaarada Caafidmaadka Dr Wehliye oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay Hormuud Salaam Foundation, waxaa uu  ka sheekeeyay marxaladihii adkaa ee isbitaalka Hooyada dhallaanka iyo sidii Hormuud Salaam Foundation ay u garab istaagtay mar kasta.

Wasiiru Dowlaha wasaarada Caafimaadka Drs Maryan Maxamed Xuseen  oo gaba gabdii Munaasabada Ka hadashay ayaa sheegtay in hay,ada Hormuud Salaam Foundation ay udub dhaxaad u tahay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed , ayna wax badan tartay, waxaana sheegtey in waxqabadka iyo garab istaaga Hormuud Salaam Foundation aanan lasoo koobi Karin.

Waxaana dambeyn uu ugu baaqdey Shirkadaha kale iyo ganacsatada Soomaaliyeed ineey ku daydaan HSF oo aay garab istaag iyo caawinaad u fidiyaan Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir , maadaama uu yahay Isbitaal u adeega inta danta yar ee bulshadeedna, Wasiiru dowlaha ayaa Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank  allah u weeydiisey inuu xoolahooda u barakeeyo, maadaama aay maalgeliyaan HSF .

Goobjoog News