U bood dhigaalka

Howgal xalay laga fuliyay magaalada Marka

Sheeko:War
Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ku sugan gudaha magaalada Marka
Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ku sugan gudaha magaalada Marka

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa Xalay Howlgallo ka fuliyay Xaafadaha Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa ka danbeeyay markii Ciidamo ka tirsan AMISOM shalay bartmaha Magaalada lagula eegtay qarax la sheegay in la dhigay wadada dhinaceeda.

Ciidamo badan ayaa howlgal guri guri ah u galay xaafada Ruusi ee magaalada Marka, iyadoo ciidamada AMISOM ay xireen wadooyinka soo gala xaafadaas.

Ilaa hada lama soo sheegin shaqsiyaad Ciidamada ay ku soo qabteen howlgaladaasi.

Magaalada Marka ayaa waxaa kol hore ugu dagaalamay maleeshiyaad in muddo ah ku loolamayay gacan ku haynteeda.