U bood dhigaalka

Howl gal dad lagu soo qabqabtay oo maaanta laga sameeyay Baraawe

Sheeko:Dalka
Baraawe
Baraawe

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howl gal dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay degmada Baraawe oo ay shalay la wareegeen.

Wararka laga helayo halkaasi ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha u galayeen guryaha degmada halkaasi oo la xaqiijiyay in ay ka soo qabteen dad dhalinyaro u badan.

Ciidamadan ayaa gacanta ku dhigay dad looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin xarakada Al-Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee hogaaminaya howl galka iyo taliska ciidamada AMISOM ee Soomaaliya oo lagu faah faahiyay howl galkaasi.

Dhinaca kale, guddoomiyaha maamulka degmada Baraawe ee dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamay in shacabku ay maanta soo dhoweyn u sameeyeen madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha gobolkaasi Cabdulqaadir Siidii.