Howl-galka UN-ka Ee Soomaaliya Oo Cambaareeyey Weerarradii Isniinta

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya  Nicholas Haysom  ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka kala dhacay  Gaalkacyo iyo Muqdisho ee lagu dilay dad rayid ahaa.

“Weerarradii  lala beegsaday dad rayid ah ee joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo waxay muujinayaan sida kooxada xagjirka ah ayna ugu aabayeelin una qadarinin xurmada ay leedahay nolosha baniaadanka,” ayuu yiri Mudane Haysom.

“Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Qaramada Midoobayna waxay la garab taagantahay dadka iyo dowladda Soomaaliya sida ay u diidanyihiin xagjirnimada. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii dhintay, waxaana inta dhaawaca ah u rajeynaynaa inay si buuxda uga soo kabtaan dhaawacyadooda.”ayuu raaciyay Mudane Nicholas Haysom.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW