U bood dhigaalka

Howlagallo Lagu Baarayo Dadka iyo Bajaajta oo Caasimadda Ka Bilowday

Sheeko:Amniga
Ciidamada Boobiiliiska gaar ahaa  Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir, ayaa magaalada Muqdisho ka  howlgallo lagu   xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida Caasimada iyo deegaannada ku xeeran,  Howlgalada ayaa lagu baarayay dadka iyo Mootooyinka laga shakiyo ee isticmaalaya qeybaha Degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir.
Howlgalkaan ayaa waxaa iska kaashanaayay ciidanka Ciidanka Boliska iyo Polizia Militare iyo ciidanka hey’adda Nabad sugidda Qaranka, ciidankaan ayaa si joogta ah kaga howlgalaya degmooyinka qaar, si loo xaqiijiyo amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, howlgalkaan ugu dambeeyay ayaa lagu baarayay dadka iyo Mootooyinka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa dhowaan amar ku bixiyay in ammaanka caasimadda ay sugiddeeda ay qeyb ka noqdaan ciidamada dhowaan lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo Milatari sida Booliiska u shaqeeya, waxaana lagu amray in ay koryiyaan howlgallada iyadoo lagu  magacaabo Polizia Militare.
Ciidamada dowladda gaar ahaan qeybta Booliiska gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe waday howgallo lagu sugayo amniga caasimadda, waxaana howlgalladaan siyaabo kale duwan uga dhacayeen degmooyinka kale duwan ee gobolka Banaadir, kaas oo ay ku beegsanayeen Ciyaal Weerada iyo waxyaabaha maanka dadka dooriya.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa kulamo dhowr ah ku qabtay dhowr degmo iyo deegaannada ku xeeran gobolka, iyaga oo bulshada kala hadlayay sidii amniga caasimadda la isaga kaashan lahaa oo shacabku wada shaqeyn dhab ah ay ula yelan lahaayeen laamaha amniga si looga horto falalka amni darrida.
Howlgalkaan ciidanku ay qaadeen ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli lagu guda jiro 10 bari ee ugu dambeyso bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana magaalada caasimadda ah ka jira  mashquul badan oo bulshadu ay ugu diyaar garoobayaan Ciidul Fidriga oo nagu soo fool leh, waxaana saaraakiishu sheegeen in ay siiwadi doonaan.
Goobjoog News