U bood dhigaalka

Howlagallo Xoogan oo Ka Socda Magaalada Boosaaso

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammaanka gobolka Bari ayaa howlagallo waxaa ay ka sameeyaan dhulka buuraleyda ah ee magaalada Boosaaso ilaa deegaanka Carmo, waxaana hoggaaminaayey Taliyaha Qeybta Boliiska gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud.

Howlgalkan ciidamadu ay sameeyaan ayaa  ahaa mid aminga lagu xaqiijinayey, waxaana ciidamada boliiska ay baaritaanno ku sameeyeen gadiidka soo gala magaalada Bosaaso iyo kuwa ka baxaya, waxaana howlgalkaan ku soo aadayaa iyadoo dhowaan doorashooyin lagu qaban doono magaalada Boosaaso.

Taliyaha qeybta Boliiska gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Shacabka ka codsaday Inay doorkooda ka qataan xaqiijinta amaanka isagoona u mahadceliyey sido kale shacabka gobolka Bari waxaana uu howlgalkaan ku tilmamaay mid guul ah oo ay uga mahadcelinayaan ciidamada Boliiska.

Goobjoog News