U bood dhigaalka

Howlgal Dad Lagu Qabtay oo Laga Sameeyay Baydhabo

Sheeko:Amniga

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka ee ku sugan Koonfur Galbeed  ayaa howgal amniga laguu xaqiijinayay  ka sameeyeen qaar kamid xafadaha magaalada Baydhabo, oo dhowaan qarax ka dhacay lagu dilay wasiir ka tirsan maamulka, gaaar ahaan xafadaha Wadajir, Xanaana2,barwaaqo iyo kuwo kale.

Howglalkaan ayaa intuu socday ciiidanka guri guri ubaarayey xaafadaha waxaana lagu soo qab qabtay dhalinyaro tiradooda gaarayso 80,kuwaaas oo ciidanka ku sameeyen baaritaan inta badan dhalinyarada ayaa lasii daayey, kadib  markii lagu waayey kamid ahaanshiyaha  dagaalamayasha Alshabaab.

Howlgalkaan ciidanku sameeyeen ayaa waxaa uu ka socday maalmahaan magaalada Baydhabo, waxaana ciidan badan lasoo dhigay wadooyinka, iyadoo ciidan lagu kordhiyay koontaroollada laga soo galo magaalada iyo kuwa looga baxo, kadib markii qarax ka dhacay magaalada lagu dilay wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed.

Goobjoog News