Howlgal Ka Socda Afgooye, Sh/hoose

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in duleedka degmadaasi ay howlgallo ballaaran ka wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan oo u warammay Goobjoog waxay sheegeen iney ku raad joogaan xubno ka mid ah Al-shabaab oo weerar ka geystay deegaanka Tixsiile ee Sh/hoose.

Sidoo kale, saraakiishan ayaa sheegay iney howlgalkan kaga hortagayaan weeraro kaga yimaada dhanka Xarakada Al-shabaab.

Weli lama sheegin cid lagu soo qabtay howlgalkan, iyadoo weli ciidamada ay baarayaan xaafadaha ku yaalla halkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW