U bood dhigaalka

Howlgal laga sameeyay deegaanka Goof-gaduud iyo deegaano hoostaga (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Goof-gaduud ee gobalka Bay ayaa faah faahin ka bixiyay amniga guud ee deegaankaasi, iyo sidoo kale howlgalo ay halkaasi ka sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Axmed Jadiid oo ah Gudoomiyaha deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in amniga uu yahay mid hadda ka yara wanaagsan sidii hore, waxaana uu sheegay in ay yaraadeen weeraradii Al-shabaab ay halkaasi kusoo qaadi jireen.

Jadiid ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidamada amaanka ay howlgalo ka sameeyeen deegaano badan oo hoostaga Goof-gaduud, ayna la dagaalameen rag ka mid ah Ururka Al-shabaab.

Ciidamada dowladda ayuu sheegay in ay fariisimo badan ka saareen Xarakada Al-shabaab, ayna soo qabteen rag ururkaasi ka mid ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Amniga guud ee degmadaasi ayuu sheegay in habeen iyo maalin ay u taagan yihiin sidii ay u sugi lahaayeen, waxaana shacabka ugu baaqay in kaalin ay ka qaataan nabadda deegaankaasi iyo nawaaxigiisa.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News