U bood dhigaalka

Howlgal Lagu Soo Qabtay Ciyaal Weero oo Laga Sameeyay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Maamulka degmada Dhaekeenley ee gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay howlgal habeenkii xalay laga sameeyay degmada, kaas oo ciidanka ammaanku ay ku beegsanayeen dhallinyaro la magacbaxday ciyaal weero oo dhac iyo dilal ka geysta gudaha degmada, waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay tiro kamid ah kuwa hoggaamiyo weerada.

Guddoomiyaha degmada Guhaad Sheekh Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in habeenimadii  xalay ay qaadeen howlgal, waxaana uu intaas ku daray in dadka lasoo qabtay loogu tagay guryahoodo, ciyaal weeraduna ay dhib aad ah ku hayahaan degmada Dharkeenleey, waxaana uu fariin u diray waalidiinta dhashay dhallinyada.

“Awaamiirta madaxda gobolka Banaadir , haddii ay noqon laheyd guddoomiyaha magaalada iyo hey’adaha amniga, annaga oo fulinayna waxaan bilownay, inaan hoggaamiyeyaashaas guryahooda aan kala soo baxno, Iskuullada ay wax ku bartaan aan kala soo baxno, si khatara naftooda ay gaarsiinayaan iyo midda ay bulshada u gaysanayaan looga hortago, waxaan rajaynaynaa in degmada ka cirib tirmaan” ayuu yiri guuddoomiye Guhaad.

“Markii howlgalkaas uu bilowday in badan oo kamid ah waa ay firxadeen, qaar kamid ah waan soo qabanay, howlgalkii waa uu socdaa,  waalidiinta doorka ugu muhiimsan iyaga ayaa iska leh, ubad aad muddo kusoo tiir iyo tacab beeshay, si maalaayacni ah in noloshiisa ay ugu baxdo Gaangis, wax badan ayaad ka badeli kartaa ilmaha ka warqab Hooyo, Ilmaha ka warqab Aabe, haddii lasoo xiro ha daba imaanin” ayuu yiri isaga oo sii hadlayay.

Howlagalkaan laga sameeyay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadira ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo ciyaal weerada looga maaro waayay degmooyinka qaar ee gobolka, kuwaas oo geysanaya falal isugu jira dil iyo dhac, degmooyinka Kaaraan iyo Dharkeenley waa kuwa ugu daran ciiyaalku ay dhibka dadka shacbka lagu hayo .

Goobjoog News