U bood dhigaalka

Howlgal Maalintii Labaad Ka Socda B/weyne

Sheeko:Amniga

Ciidamada amniga B/weyne ayaa Maalintii Labaad Magaaladaasi ka wada howlgallo ay ku baacsanayaan kooxo Isbaaro u dhigta gaadiidka dadweynaha.

Waxay ciidankan tageen deegaanno duleedka ka ah Magaalada B/weyne iyo sidoo kale goobihii shalay ay ka qaadeen isbaarooyinka.

Taliska Ciidanka B/weyne ayaa sheegay in howlgalkii shalay ay ku qaadeen ilaa saddex jidgooyo kuwaasi oo u yaalay dabley hubeysan lacago baad ahna ka qaada gaadiidka dadweynaha, taliska waxaa uu intaas ku daray in 14 gaadiidka dadweynaha oo ay saarnaayeen dad shacab ah ay ka soo daayeen kooxahaan burcadda ah.

Saraakiisha ciidamada ammaanka B/weyne waxaa ay sheegeen in maanta ay ku laabteen ciidamada goobihii shalay laga qaaday isbaarooyinka si kormeer loogu sameeyo in kooxaha ay ku soo laabteen.

Shalay ayey aheyd Markii ciidamada ammaanka ee Magaalada B/weyne ay bilaabeen howlgal ka dhan ah kooxaha isbaarooyinka u dhigta dadka shacabka iyo gaadiidka intaba waxaa ayna tilmaameen in ay wadi doonaan howlgalladan ilaa inta laga dhameynayo Isbaarooyinka.

Goobjoog News