U bood dhigaalka

Howlgallo Ammaanka Lagu Xaqiijinayo Oo Caawa ka Socda Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii Magaalada Kismaayo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen falal lidi ku ah Ammaanka, islamarkaana Musharaxiinta ku sugan Magaalada Qaarkood ay sheegeen in ay Qaraxyo ka badbaadeen.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada  Kismaayo

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida ay sheegayaan  wararka caawa laga helayo  Magaalada Kismaayo.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Kismaayo.

Goobjoog News