U bood dhigaalka

Howlgallo Amniga Lagu Xaqiijinayo oo Ka Socda Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo iskaashanayo ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinaayo waxaa ay ka wadaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka goboleedka Galmudug.

Howlgalladaan ayaa socday labadii habeen ee lasoo dhaafay, ciidamada ayaana guryaha magaalada iyo gaadiidkaba baaritaanno ku wada, waxaana socdo tiro koob lagu wado ciidamada ku sugan magaalada qeybahooda kala duwan.

Magaalada Dhuusaamareb ayaa lagu wadaa in sedex maalin kadib ay marti geliso shirka ka tashiga doorashooyinka dalka ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, uu madaxweyne Qooqoor uu shaaciyey in waqigiisa lagu qaban doono, waxaana lafilayaa in madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ay u gaaraan magaalada dhuusamareeb 3.

Goobjoog News