U bood dhigaalka

Howlgallo Amniga Lagu Xaqiijinayo oo Laga Sameeyay Deegaanka Budbud

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo  amniga lagu xaqiijinaayo  waxaa  ka wada dhulka miyiga ah ee dhaca hareeraha deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo maalin ka hor laga saaray dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliyaha guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Kornayl Saney Cabdulle ayaa shacabka deegaankaas ka xog-wareystay xaaladooda, isagoo ka balan-qaaday in ciidanku ay sii xajisa doonaan gacan ku heynta deegaannada ay ciidanku la wareegeen.

Taliyaha ayaa shacabka ka dalbaday inay ciidanka la shaqeeyaan ciidanka, isagoo kula dardaarmay inay iska saaraan hadii ay ku jirto cabsi ay ka qabaan inay deegaanka dib ugu soo laabtaan Al-shabaab, waxaana uu sheegay in ciidanku ay ku sugnaan doonaan deegaanka.

Goobjoog News