U bood dhigaalka

Howlgallo ciidan iyo gadood shacab oo ka socda qaar kamid ah gobalada dalka

Sheeko:Amniga

Hawlgallada ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanayo ee ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobollada Bay, Hiiraan iyo Galgaduud  ayaa waxaa ciidanka huwanta ah ay kula wareegeen deegaanno dhowr ah, kuwaas oo ay horay ugu sugnaayeen Al-shabaab dhowr iyo tobankii sano oo ay ka talinayeen qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Kacdoonka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu soo shaac baxay 28-kii 2022, xilligaas oo magaalada Beledweyne lagu dilay mid ka mid ah nabaddoonnada ugu caansan gobolka, kaas oo lagu magacaabi jiray, Ali Macalin Maxamuud oo loo garan ogyahay Cali Dheere, markaas dabley ka tirsan reerka uu ka dhashay nabaddoonka ayaa weerar ku qaaday xooggag ka tirsan Al-shabaab.

Weerarkaas ayaa waxaa xigay weerar ciidanka Macawisleyda ay ku qaadeen deegaan lagu magacaabo  Hees oo hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waqtigaas wixii ka dambeeyay ciidanka dowladda ayaa billaabay in ay taageero siiyaan ciidanka deegaanka ee ka billaabay kacdoonka Gobolka Hiiraan, dagaalka ayaa ku faafay galbeedka Gobolka Hiiraan.

Goddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa hoggaamiyay howlgalka ka socda Gobolka, isaga oo sheegay in ay u diyaar yihiin in Al-shabaab ay ka saaraan Gobolka, waxaana howlgalladii uu hoggaamiyay ciidanka qeybta 27-aad ee xoogga dalka iyo kuwa  deegaanka iyaga oo la wareegay deegaanno u dhexeeya Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

Ra’iisulwasaare Xamse oo gaaray magaalada Baladweyne 25-kii August 2022 ayaa waxaa uu dhiirrigelin u sameeyay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, isaga oo sheegay in dowladdu ay garab taagan tahay kacdoonka ka billowday Gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in maalmo uu ku sugnaa Beledweyne Wasiirka Gaashaandhigga  Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Al-shabaab ayaa gubay tuulooyin iyo deegaanno hoostaga Maxaas, sida Ceel-la-helay iyo Darow iyo Teedaan oo hoostaga Maxaas, waxaa xigtay in Al-shabaab ay sidoo kale gubeen 7 gaadiid ah, oo ku sii jeeday degmada, kuwaas oo siday raashin, oo ka baxay Beledweyne, iyaga oo sidoo kale dilay dad shacab ah oo la socday gawaarida, kuwaas oo gaaraya illaa 20 ruux.

Deegaannadaas ayaa waxaa lagu xusi karaa Bukure, Laasaban, Coomaad, Bacda, Qabno, Goobo, Hees, Teedaan, Luuq-jeelow,  iyo tuulooyin kale oo hoostaga Maxaas, ciidanka ayaa sidoo kale la wareegay deegaanno hoostaga Buulo Burde sida Abooreey, Tardo, Sagaalgeed, Geedsamo,Inameey, kuwaas oo muddo dhowr iyo toban ah ay ka talinayeen dagaallameyasha Al-shabaab.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo kordhiyay howlgallada ayaa waxa ay la wareegeen deegaanno dhowr ah, kuwaas oo dhaca Gobolka Hiiraan, dowladda federalka oo soo saartay bayaan waxaa ay sheegtay in Al-shabaab lagala wareegay illaa 30 deegaan, sidoo kale laga dilay 200 oo dagaallame sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay oo looga hadlay howlgallada.

Abaabulka Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa uu ka billowday, kaddib markii Al-shabaab ay gubeen Ceelbiyoodyo iyo guryo ku yaalla deegaanno hoos taga Degmada Baxdo, tii oo ay jirto in Al-shabaab iyo dadka deegaanka ay horay ugu dagaallameen Degmada, dadka ayaa sheegay in dagaalkaas Al-shabaab ay uga dileen in ku dhow 70 dagaallame iyagoo qabtay wade gaari qarax siday.

 Is-abaabul ayaa sidoo kale ka jira qeyb ka mid ah Gobolka Baay, waxaana ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka  deegaanka, ay la wareegeen deegaanno hoostaga Degmada Bardaale, walow la soo warinayo in dhaqdhaqaqyo kale ay ka jiraan  deegaanno hoostaga Qansaxdheere, maamulka ayaa sheegay in ay isku furayaan waddooyinka isku xira Koofur Galbeed.

Howlgalladaan aya waxa ay ku soo aadayaan iyadoo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu fagaaro ka sheegay in dowladdiisa sannad gudihiis ay Al-shabaab kaga saareyso deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobollada kale duwan ee dalka, Gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Bay ayaa ah Gobollad xilligaan uu ka jiro isabaabulka dadka oo kaashanaya ciidanka xoogga.

Goobjoog News