U bood dhigaalka

Ciidanka Ammaanka oo Howlgallo Ka Sameeyay Degmooyin Ka Tirsan Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ciidamada amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ay howlgallo dad lagu soo qabtay  ay ka fuliyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, howlgalkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Wartanabadda iyo degmada Yaaqshiid oo ka tirsan gobolka.

Booliiska iyo Nabadsugidda ayaa ka qeyb gaadanayay howlgallada oo dhacay habeenimadii xalay, kaas oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, iyadoo looga hortagayay falalka amni darrida ah iyo Ciyaar weerada oo qeybo kamid ah Muqdisho ka geysta falal kale duwan oo amniga lid ku ah.

Howgallada ayaa ciidanku waxaa ay si gaar ah ugu baarayeen gaadiidka iyo sidoo kale guryaha oo ay galayeen, waxaana lagu soo qabtay tiro dad ah intii uu socday oo dhalliinyaro u badan, waxaana saraakiisha hoggaaminaysa ay sheegeen in ay sii wadayaan inta amniga laga xaqiijinayo.

Howlgalkaan ciidanka Booliiska iyo Nabadsugidda ay sameeyeen ayaa  kusoo aadayaa iyadoo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya iyadoo mararka qaar ay caasimadda ka dhacaan falal amniga kasoo horjeeda sida dilalka iyo dhibaatada ay geystaan Ciyaal weerada