Howlgallo Ka Bilaabanaya Gaalkacyo (Dhageyso)

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa maanta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta ee Puntland, kuwaasi oo ka yimid deegaanka Tukaraq oo ay maalmahan ku sugnaayeen.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa u sheegay warbaahinta in sababta ay u yimaadeen magaalada Gaalkacyo ay tahay sugista amniga iyo iney soo qabtaan dadkii kufsaday, kadibna dilay gabar yar oo 12-sano jir ahayd.

Howlgalka ay ciidanku bilaabayaan ayaa loogu magac daray Caa’isha maxay galabsatay, iyadoo saraakiisha ay sheegeen iney degdeg ku qaban doonaan cid walbo oo falkaasi ka dambeysay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW