Howlgallo Ka Dhan Ah Maandooriyaha Xashiishka Oo Ka Billawday Magaalada Jowhar Ee Sh/dhexe

Ciidamada Booliiska degmada Jowhar ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa degmadaasi iyo nawaaxigeeda waxay ka billaabeen howlgallo ka dhan ah Beerista Maandooriyaha loo yaqaano xashiiska.
Maxamed Siyaad Cali oo ah taliyaha saldhigga Booliisa degmada Jowhar oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa xaqiijiyay in ay gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaad ku mashqulsanaa Beerista maandooriyaha xashiishka, kuwo kalena ay ku howlan yihiin.
Waxa uu tilmaamay in rag badan oo horay usoo qabteen ay maxkamadda Gobalka Banaadir usoo gudbiyeen, lana xukumay, haatanna ay wadaan howlgallo kale oo lagu baacsanayo dadka ku mashquulsan maandooriyaha.
“Annaga waxaan nahay Booliis, waxaan helnay warbixinno ku saabsan meelo lagu abuurayo Xashiiska, dad badan baan soo qabannay, qaar waan xirnay, waxaan wadnaa howlgallo kale oo lagu soo afjarayo xashiishka” ayuu yiri Taliyaha.
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada Booliiska degmada Jowhar waxay wadeen howlagallo ka dhan ah maandooriyaha, kaasi oo dhibaato badan dalka u geystay.
Goobjoog News
Wwhytz nosoba buy cialis online safely coupon for cialis
Txapjb yfbamj Brand viagra professional cialis coupons
Xjblav dyjpfj Viagra best buy prices of cialis
Oxuruh xbmnsh buy discount viagra online cialis for sale
Nhnmzi wcbblm pharmacy online Evdyx