U bood dhigaalka

Howlgallo Ka Socda B/weyne

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney maanta howlgallo ballaaran ka wadaan xaafado ka mid ah magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan ayaa xooggiisa waxay ciidanka ka wadaan xaafadda Howlwadaag ee B/weyne, waxayna wararka sheegayaan in ciidanka dad kusoo qabteen.

Howlgalkan ayaa daba socda dil shalay xaafaddaasi loogu geystay Labo wiil oo dhallinyaro ah, mid ka mid ah wuxuu ahaa askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee howlgalkaan wada kama aanay hadalka sida ay wax u socdaan, hase ahaatee magaalada B/weyne ayaa maalmahan dambe amni ahaan ahayd mid soo hagaageysay.

Goobjoog News