U bood dhigaalka

Howlgallo Ka Socda Magaalada Kismaayo Ee Gobalka Jubbada Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose, saaka oo Axad ah, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi howlgallo ballaaran ay ka wadaan ciidamada Jubbaland.

Howlgalkaan ayaa ah mid ciidamada ay ku sugayaan ammaanka guud ee magaalada Kismaayo, waxaana ciidamada ay baarayaan qaar ka mid ah guryaha ku yaalla magaalladaasi.

Qof ku sugan Kismaayo ayaa u sheegay Goobjoog News, in amniga guud ee magaalada aad loo adkeeyay, waxaana dhinaca kale howlgalkaan barbar soconaya baaritaanka weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday Jaamacadda magaaladaasi oo lagu tababarayay ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Weerarkii shalay waxaa si isku mid ah u cambaareeyay madaxda dowladda Federaalka, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, waxaana sidoo kale weerarkaasi ka hadlay mas’uuliyiinta Jubbaland, saraakiisha amniga iyo taliska AMISOM.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News