U bood dhigaalka

Howlgallo Laga Sameeyey Boosaaso oo Lagu Qabtay Xubno Daacish ah.

Sheeko:Amniga

Taliska ciidamada booliska gobolka Bare ee Puntlland ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag la sheegay in ay tirsan yihiin ururka Daacish ee fariisimaha ku leh buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

Taliska qeybta booliska gobolka ayaa sheegay in raggaan la soo qabtay, kadib howlgallo laga sameeyey magaalo xeebeedka Bosaso,  oo muddooyinkaan uu ka socday hoowlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in howlgalladu ka  sii socan, doonaan Bosaso , isla markaana uu jiro tuhun badan oo qabaan, kaas oo ah in xubno badan oo Daacish ah ay ku dhuumaaley-sanayaan gudaha magaalada.

Goobjoog News