U bood dhigaalka

Howlgalo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmada Hilwaa oo lagu qabtay rag lala xiriirinaayo Al-shabaab.

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho waxay kusoo qabteen ku dhawaad 50 ruux oo ay ku jiraan rag lala xiriirinaayo in ay ka mid yihiin Al-shabaab.

Gudoomiyaha degmada Hilwaa Maxamed Axmed Xaashi ayaa u sheegay Goobjoog Fm in howlgalkaan uu ka dhacay xaafadda Al-cadaala islamarkaana dadka la qabtay qaarkood ay ku ogyihiin in Al-shabaab ka mid yihiin.

Dadka ayuu sheegay in dhibaato ay u geysanaayeen, hase ahaatee ay suurta gashay in lasoo qabto xilli xaafadaasi ay ku dhuumanayeen, waa sida uu gudoomiyaha sheegay.

Dhanka kale amaanka degmada Hilwaa ayuu sheegay in xilligaan uu aad u wanaagsan yahay islamarkaana ciidamada Booliiska ay heegan ugu jiraan sidii ay amaanka u sugi lahaayeen.

Hoos ka dhageyso wareysi aynu la yeelanay Gudoomiyaha degmada Hilwaa.

Goobjoog News