U bood dhigaalka

Howlgalo Dad Lagu Soo Qabtay Oo Ka Dhacay Gobolka Shabeellada Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa degamada Walaweyn ayaa aa waxaa ay howlgallo lagu xaqiiijinaayey amniga  ay ka sameeyeen gudaha degmada iyo Tuulooyinka hoostaga gobolka Shabeellada hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana howlgalada lagu soo qabtay kooxo burcad ah oo dhac ku haayey shacabka ku nool gobolka Shabeellada hoose.

Howlgalka ayaa ciidamadu waxaa ay ku gaareen Tuulooyin dhowr ah, kuwaas oo hoos yimaada degmada sida tuulooyinka  Gololeey, Siigoole, Masiirey, Buula-cajuusa, lamagaras, Qaandhoole iyo Booraan, waxaana hoggaaminaayey guddomiyaha degamada ahna Duqa degmada Wanlaweyn Ismaaciil Sheikh Abuukar iyo Taliyaha Ururka 64,aad Guutada 7aad Qeybta 60,aad ee CXD.

Kooxdaan lagu lasoo qabtay howlgalka ayaa waxaa lagu soo eedeeyey in ay dhac ka wadeen gudaha degmada iyo Tuulooyin hoostaga Walanweyn , waxaana guddoomiyaha degmada uu sheegay in howlgalkaan la qaaday, kadib markaa ay cabasho katimid dadka shacabka ah , waxaana uu sheegay in ay sii wadayaan howlgalgalada noocaan ah  inta laga xaqiiijinayo ammaanka guud.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa waxaa ey intabadan howlgallo ay ka sameeyaan deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka, waxaana mararka qaar gobolka ka dhaca dagaallo u dhaxeeya  iyaga iyo Al-shabaab.

May be an image of 9 people and outdoors

May be an image of 8 people, people standing and outdoors

May be an image of 6 people and outdoors

May be an image of 9 people and outdoors

May be an image of 4 people and outdoors

Goobjoog News