U bood dhigaalka

Human Right watch Oo Ka Digtay In Si Xun Loola Dhaqmo Adeegtada Soomaalida Ee Loo Dirayo Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Hey’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Right watch ayaa ka digtay In Si Xun Loola Dhaqmo Adeegtada Soomaalida Ee Loo Dirayo Sacuudiga.

Arrintan ayaa ku soo beegantay heshiis dhexmaray Sacuudiga iyo dowladda Soomaaliya kaas oo dhigaya in dalkaas loo diro 600-1000 adeegto ah inta lagu guda jiro bishan barakeysan ee Ramadaan.

Human Right watch ayaa warbixintan ku sheegtay in 10kii sano ee la soo dhaafay ay diwaan gelisay tacadiyo fara badan oo Sacuudiga iyo dalalka gacanka loogu geystay Adeegtooyin ajaanibta ah.

Dhibaatooyinka ay hey’adda ku sheegtay in adeegtooyinka ay la kulmaan waxaa ka mid ah: In guryaha si xoog ah loogu heysto, in aan la siin Mishaar dhameystiran iyo dhibaatooyin jir iyo xitaa in la fara xumeeyo.

Goobjoog News