U bood dhigaalka

Human Rights Watch Oo Ka Digtay In La Xiro Xeryaha Dhadhaab Iyo Kaakuma

Sheeko:Dalka

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch ayaa ka digtay in dowladda Kenya ay xirto xeryaha qaxooti ee Dhadhaab iyo Kaakuma, halkaasi oo ay ku noolyihiin qaxooti badan oo Soomaaliyeed.

Bill Frelick oo ah agaasimaha barnaamijyada ee hay’adda Human Rights Watch isagoo ugu baaqay inasan Kenya dhabarka u jeedin dadka u baahan daryeelka waxyaabaha aasaasiga ah oo ay horay u ballanqaaday inay tixgelinayso.

“Dowladda Kenya waxay ogtahay in dadka Soomaaliyeed ay martigelisay ku dhawaad 25 sano welina ay yihiin qaxooti” sidaana waxaa yiri Bill Frelick

Kenya waxaa jooga qaxooti Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay 463,000 oo qof kuwaas oo ka cararay ammaan la’aanta iyo dagaalka u dhaxeeya xarakada Alshabab iyo dowladda Soomaaliya.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay in Kenya iyo dowladaha kaleba aysan u celin qaxootiga qeybo ka mid ah koofurta iyo baramaha Soomaaliya halkaas oo dagaallo ay ka jiraan amaba ay yihiin meelo ay gacanta ku hayso xarakada Al-shabaab waxaana ay hay’addu sheegtay in nidaamka Kenya uusan dhigayn in qaxooti si qasab ah loogu celiya dalkiisa halkaas oo uu qatar kala kulmi karo.

Dowladda Kenya ayaa Jimcihii sheegtay inay xiri doonto Xeryaha Qaxooti ee Dhadhaab iyo Kaakuma, taasi oo noqotay hadal haynta ugu weyn ee ka jirta maanta xeryahaasi.

Goobjoog News