U bood dhigaalka

Human Rights Watch Oo Ku Baaqday In La Baaro Tacaddiyada AMISOM Ka Geysato Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku baaqday in  si degdeg ah baaritaan loogu sameeyo dhibaatooyinka ay ciidamada AMISOM ka geysanayaan gudaha Soomaaliya.

Laetitia Bader oo ka tirsan hay’addan ayaa sheegay in AMISOM aysan weli wax faah faahin sax ah ka bixin dilal kala duwan oo ciidankoodu ka geysteen Soomaaliya, sidaasi darteedna loo baahan yahay in arrintaasi baaritaan dhab ah lagu sameeyo.

Waxa uu sheegay Mr. Bader in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay laga doonayo iney baaraan dilalka kala duwan ee shacabka loo geystay, waxaana si gaar ah uu farta ugu fiiqay 14 ruux oo sanadkii tagey ee 2016 ay ciidamada Itoobiya ku dileen deegaanka Wardiinle ee gobolka Baay, iyadoo illaa hadda AMISOM aaney arrintaasi magdhow ka bixin.

Waxa uu tilmaamay sidoo kale Laetitia Bader in dedaal dheeraad ah ku bixin doonaan sidii maxkamad loo soo taagi lahaa dadkii ka dambeeyey dilkaasi naxdinta lahaa.

“Waa in QM iyo Midowga Afrika baaritaan dhab ah ka sameeyaan dilkii loo geystay dad shacab ahaa oo ku sugnaa Wardiinle, illaa hadda magdhow lagama bixin, sidoo  kalena ma jirto wax faah faahin ah oo ay ka bixiyeen saraakiisha AMISOM iyo haddii ay ahaan lahaayeen kuwooda Itoobiya” ayuu yiri Laetitia Bader.

Ugu dambeyn mas’uulkan u hadlay hay’adda Human Rights Watch ayaa wax laga xumaado ku sheegay in shacab aan waxbo galabsan ay dhibaato kasoo gaarto dagaallada lagula jiro Al-shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa gobollada dalka qaarkood waxay ku dileen dad shacab ah, qaarkood dilalkaasi waxay u dhaceen si bareer ah.

Goobjoog News