U bood dhigaalka

Human Rights Watch oo Maamulka Somaliland Ku Eedeysay in ay si Xun ula Dhaqmaan Dadka Qaba xanuunnada Dhimirka

Sheeko:Dalka

Dadka xanuunnada dhimirka qaba ee Somaliland ayaa waxaa ay la kulmaan dhibaatooyin badan sida in si khasab ah lagu geeyo goobaha lagu hayo, halkaasoo ay tacaddiyo ku mutaan, sidaa waxaa sheegatay hay’adda Human Rights Watch.

Warbixintan oo ka kooban 81 Bog , Human Rights Watch-na  ugu magacdartay ‘Chained Like Prisoners’  ayaa lagu sheegtay in dadka la il daran Xanuunkaasi la xirxiro, la garaaco, waxa kaloo la sheegay in ay safaf dhaadheer u galaan daawada ay ka helaan goobaha caafimaad ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Goobaha Caafimaadka ee gaarka ah,  Dadka  Qaba xanuunnada Dhimirka waxaa lagu xirxiraa Silsilado, waxaa kaloo aad loo xakameeyaa dhaq-dhaqaaqooda iyo meelaha ay aadayaan.

Somaliland ay aad ugu badan yihiin Dadka  Qaba xanuunnada Dhimirka, Sida ayey  sheegtay hay’adda Caafimaadka aduunka ee”WHO”

“Intii dadkaas la siin lahaa daryeel caafimaad, goobahaas lagu ciqaabo bukaanka, loogu xiro sidii Maxbuuskii oo kale ama la takooro” sidaa waxaa tiri Laetitia Bader oo hay’adda Human Rights Watch u qaabilsan arimaha Afrika, iyagoo intaas ku dartay in Somaliland ay wax ka qabato goobaha caafimaad ee lagu daweeyo Dadka  Qaba xanuunnada Dhimirka.

Hay’addu waxay Somaliland ugu baaqday in dadka xanuunka qaba la siiyo daryeel wanaagsan iyo in isha ku hayaan meelaha dadkaas lagu hayo, lana mamnuuco in silsilado lagu xiro.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa waxaa ay baaritaan ku sameeyeen Hageisa, Bebera, Gabiley, waxaa ay wareysteen in ka badan 115 qof oo ay ku jiraan 47 Bukaan oo ka tirsan dadkii dhibkaas uu ku dhacay.

Haya’adda waxaa ay ogaatay sidoo kale in goobaha Caafimaadka Dadka  Qaba xanuunnada Dhimirka ay gacanta ku hayaan rag, taaso oo dhibaato gaar ah ay ka soo gaaraan Haweenka.

Sanadihii hore, inta badan daaweynta Dadka  Qaba xanuunnada Dhimirka waxaa dusha saaran jiray qaraabadooda kuwaas oo Macluumaad dheeraad ah aan ka heysan jirrada ama xanuunka Dhimirka.

2014, Maamulka Somaliland waxaa ay meel mariyeen qorshe lagu qaabeynayo xeerar Dastuuri ah oo la jaanqaadaya heshiisyada caalamiga ee xuquuqda ay leeyhiyiin Dadka  Qaba xanuunnada Dhimirka.

The Hargeisa Group Hospital mental health waa goobta kaliya ee Hay’adda Human Rights Watch ku aragtay in aan la xerin Dadka  Qaba xanuunnada Dhimirka.

Goobjoog News.