U bood dhigaalka

Human Rights Watch oo soo dhaweysay Talaabo Uganda ay ka qaaday ciidamo ku eedeysan kufsiga Haween Soomaali ah

Sheeko:Dalka

Hay’ada Human Rights Watch ayaa sheegtay in Dowlada Uganda ay qaaday talaabo muujinaysa in la daba gal la’isku sameeyo, ka dib markii shaqada ay ka joojisay Dowladaasi Saraakiil ciidan oo lagu soo eedeyay kufsi in ay ka gaysteen dalkeena Soomaaliya.

Qoraal Hay’ada ay ka soo saartay talaabada Dowlada Uganda ayay ku sheegtay, mid tusaysa dhamaadka la xisaabtamid la’aanta Ciidamada dambiyada ka gaysta Dalka.

Hawenayda Maria Burnett oo ka tirsan Cilmi baariyaasha Human Rights, ayaa sheegtay in muhiim ay tahay de dejinta baaritaanada lagu hayo Saraakisha Dalka Uganda ee kiisaskan lugaha kula jira.

“Ururka Afrika waa in ay qaadaan talaabooyin kale oo dheeraad ah oo lagu baarayo Saraakiishan” ayay ku sheegtay war ay soo saartay haweenaydan.

Haweenaydan ayaa sidoo kale tiri “ waa in la damaanad qaadaa amaaanka dadka dhibanayaasha iyo marqaatiyaasha aanu hakad u galin wax ka mid ah baaritaanka la wado”

Goobjoog News