U bood dhigaalka

Ibraahim Aadan Najax Oo Loo Magacaabay Wasaaradda Ciyaaraha & Dhalinyarada Koonfur Galbeed

Sheeko:Cayaaraha

Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa loogu magacaabay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Guddoomiyihii hore Gobolka Shabeellaha Hoose mudane Ibraahim Aadan Najax.

Wareegtada ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koofurgalbed ayaa waxaa xilkii loogaga qaaday Wasiirkii hore Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed oo labadii sano la soo dhaafay haayay jagadaas.

Ibraahim Aadan Najax oo xilla guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose laga qaaday 16 November 2020 ayaa sheegay in aad ugu faraxsanahay jagada loo magacaabay,isagoo balan qaaday in uu horomarindoono Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed.

“Mahadsanid mudane Madaxweyne runtii xilkan waa shaqo adag oo u baahan in la geliyo waqti,waxaan balan qaadayaa in aan horomarindoono Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed” ayuu Goobjoog u sheegay Ibraahim Aadan Najax oo ah wasiirka cusub ee Wasaaradda Ciyaaraha.

Daawo Magacaabista Golaha Wasiiradda Cusub ee Koonfur Galbeed

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle