U bood dhigaalka

Ibraahim Aw-gaab Oo Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Senatorada Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo lagu doortay kursiga Lixaad ee kuraasta Aqalka sare Jubbaland ay ku leedahay.

Kursigan ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kale ah Ibraahim Aw-gaab Cismaam  iyo Farxiyo Macalin cabdi.

Ibraahim Aw-gaab Cismaan oo ku guuleystay kursiga ayaa helay codad gaaraya illa 57 cod taas oo uu kaga guuleystay Musharax Farxiyo Maxalin Cabdi oo heshag 14 cod.

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay natiijada Kursiga Lixaad oo uu ku guuleystay Ibraahim Aw-gaab Cismaan.

Goobjoog News