U bood dhigaalka

Ibraahim Cabdimajiid “Garooje Wuu U Qalmaa Qabashada Xilalka Kala Duwan Ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ”

Sheeko:Cayaaraha

Tan iyo markii hogaaminta uu ka tagay guddoomiyihii kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) horaantii sanadkan 2020 waxaa warar kala duwan oo soo baxaya ay sheegayaan in mudane Garooje oo ka mid noqondoono musharaxiinta u tartamaysa hoggaaminta Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ee 2022,waxaana talabadaas soo dhaweeyay saaxiibada iyo dadka ku dhaw isaga.

“Waa ku kalsoonahay qibrada iyo aqoonta dhinaca ciyaaraha ee Mr.Garooje,wuu ka soo bixi karaa maamulista xafiisyada kala duwan ee Xiriirka Kubbadda cagta dalka,tan waa talaabo uu horay u qaadan isaga iyo saaxiibada la shaqeeya,balse waxaan ka sugaynaa in uu hergeliyo hadafkiisa soo aadan” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Ibraahim Cabdimajiid Axmed oo ka mid ah saaxiibada aad ugu dhaw guddoomiyihii kooxda kubbadda cagta Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar  (Garooj(e.

Daawo Ibraahim Cabdimajiid Ayaa  Dhiiri-geliyay Go’aanka Guddoomiye Garooje

Sidoo Kale Aqriso Xog Ku Saabsan Waxqabadkii Guddoomiye Garooje

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiyihii-hore-kooxda-elman-cabdirisaaq-garooje-oo-is-casilay/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle