U bood dhigaalka

ICJ Oo Muddeysay Goorta Ay Ku Dhawaaqeyso Kiiska Badda Ee Soomaaliya Iyo Kenya

Sheeko:Amniga

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo ICJ, ayaa shaacisay waqtiga ay ku dhawaaqeyso kiiska dacwadda muran badeedka dalkeenna kala dhaxeeyo Kenya.

ICJ ayaa sheegtay in bartamaha bisha soo socota ay shaacin doonto go’aanka maxkamadda ee Muranka labada dhinac.

Bilawgii sanadkaan ICJ ayaa dhageysatay garta dacwadda oo ay Soomaaliya cadeymo muujinaya lahaan shiyaha biyaha ay ku soo bandhigtay halka Kenya ay diiday kasoo qeyb galka garmaqalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo hogaaminayey mas’uuliyiinta Soomaaliya ku mataleeysa dacwadda ayaa qoraal uu soo dhigay ku shaaciyay in 12-ka October ay maxkamadda ku dhawaaqi doonto go’anka.

“Alxamdulillaah, Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 202,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Goobjoog News