U bood dhigaalka

ICJ oo Shaacisay Jadwalka Dhageysiga Dacwadda Soomaaliya iyo Kenya

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ICJ ayaa si rasmi ah u soo saartay Jadwalka dhageeysiga dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya .

ICJ ayaa sheegtay iyada oo la tixgelinayo Caabuqa safmarka Corona Virus ay dhageysiga dacwadda isugu jiri doonta hab isku dhafan Oo Fogaan arag iyo xubna Hoolka soo xaadira isugu jiri doona .

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in dhageeysiga oo ah laba qaab uu socon doono 15-ka illaa iyo 24-ka bishan.

Hoos Ka Akhriso Jadwalka ICJ ee Dhageysiga Dacwadda

1- Wareega Koowaad
Isniinta 15 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Soomaaliya)
Talaado 16ka Maarso 2021 3 galabnimo-4.30 galabnimo (Soomaaliya)
Khamiista 18 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Kenya)
Jimco 19 Maarso 2021 3 galabnimo-4.30 galabnimo (Kenya)
2- Wareega Labaad.
Isniinta 22 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Soomaaliya)
Arbaco 24 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Kenya)