U bood dhigaalka

ICJ Oo Shaacisay Saacadda Ay Ku Dhawaaqeyso Go’aanka Kiiska Badda Soomaaliya iyo Kenya

Sheeko:Amniga

Maxkamadda cadliga adduunka ICJ, ee fadhigeedu uu yahay dalka Holland ayaa shaacisay saacadda ay ku dhawaaqeyso kiiska dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo kenya.

ICJ oo horay u shaacisay kadib dhageysiga dacwadda in 12 October ay go’aanka ku dhawaaqeyso ayaa maanta shaacisay saacadda ay go’aanka soo saareyso.

Kiiskan oo shacabka Soomaaliyeed ay rajo weyn ka qabaan ayey maxkamaddu sheegtay in ay ku dhawaaqeyso beri galab marka saacadda geeska Afrika ay tahaya  3:00 galabnimo.

Goobjoog News