U bood dhigaalka

Idaacadda Goobjoog Oo Afar Sano Jirsatay

Sheeko:Dalka

Idaacadda Goobjoog ayaa Maanta oo ay ku beegan tahay 14 July waxa ay u dabaaldegaysaa sanadguuradii Afaraad ee kasoo wareegtay markii dhidibada loo taagay Idaacadda.

14-kii July sanadkii 2012 ayeey Idaacadda hawada kusoo biirtay, maanta waa ay Afar Sano jirsatay.

Idaacadda mudadii ay shaqeynaysa wax badan ayeey bulshada u qabatay, waxayna Idaacadda ku tallaabsatay horumaro badan.

Maamulka iyo shaqaalaha Goobjoog waxa ay dhageystayaashooda hawada u marinayaan maalintaan qaaliga ah.

Waxaa maanta la qabanayaa munaasabad aad u ballaaran oo lagu soo bandhigi doono wax qabadka Idaacadda Goobjoog iyo sidoo kale qorsheyaasha sanadkaan cusub.

Mudadii ay Idaacaddu shaqeynaysa waxay ka qeybqaadatay horumaro badan oo dalka ka jira, caawinta shacabka Soomaaliyeed dibad iyo gudaba waxayna noqotay Idaacaddii ugu horreysay oo dalka Yemen kasoo badbaadisa kumanaan qof oo shacab Soomaaliyeed ah.

Goobjoog ayaa sidoo kale sanadka tagey waxay kaalin xooggan ka qaadatay gurmadka loo fidiyey shacab Soomaaliyeed oo abaar ku haysay gobollo badan oo dalka ah.

Goobjoog News

Mar Walba u Daacad Ah Dadweynaha