U bood dhigaalka

Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho Oo Maalintii Afaraad Hawada Ka Maqan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

thumbWaxaa maalintii Afaraad hawada ka maqan Idaacadda Risaala oo ka mid ah Idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa xabsi Hay’adaa nabad sugidda leedahay oo ku yaala magaalada Muqdisho habeenkii sedexaad  ku hoyday Agaasimiha Idaacadda Risaala Maxamed C/wahaab, Maxamed Kaafi Sheekh Abukar oo ah Tifaftiraha Idaacadda iyo sidoo kale mid ka mid ah War soo saarayaasha Idaacadaasi.

Xaalada cafimaad ee Wariyaasha ayaa ah mid caadiya marka laga tago xoriyadooda oo aysan weli helin

Madaxa barnaamijyada Goobjoog  Fm Maxamed Salaad Cismaan oo xabsi habeen kula soo qaatay wariyaashaas ka tirsan Idaacada Risaala ayaa ka waramay xaalada weriyaashan.

Wariye Maxamed Salaad ayaa sheegay sidoo kale in wariyaashaan xiran ay u sheegeen in si caadi ah loola dhaqmay oo aysan wax dhibaato ah la kulmin, marka xurriyad la’aanta laga reebo.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News