U bood dhigaalka

Idriss Déby Oo Maanta La Aasayo

Sheeko:Amniga

Maanta oo Jimca ah ayaa lagu wada in la Aaso madaxweeynihii mudada dheer xukumayay Chad  Idriss Deby oo dhawaan u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray kadib dagaal kooxaha ka soo horjeeda dowladda ee uu galay .

Madaxweeynayaal , Ra’iisul wasaarayaal iyo Madax kale ayaa ku sii qul quleysa caasimadda Chad ee  N’Djamena

kuwaas oo ka qeyb galaya aaska Debby .

Aaska, ayaa ka dhici doona Maanta Fagaaraha weyn ee La Place de la Nation magaalada N’Djamena, Halkaas oo militeriga dalkaas ay Rasaas u ridi doonan Aaska Madaxweyne Idris

Waxa Debby lagu garab Aasi doona halka uu ku duugan yahay meydka Aabihii , kaas oo ku aasan tuulla lagu magacabo  Amdjarass oo u dhaw halka uu ku dhashay ee  Berdoba.

Idris Debby ayaa in kabada 30 sano maamulayay dalka Chad , iyadoo markii Lixaad uu ku guuleystay doorashadii Dalkaas ka dhacday Sanandkaan.