U bood dhigaalka

IFFHS oo soo saartay kooxda ugu wanaagsan kubadda cagta qarniga 21-aad

Sheeko:Cayaaraha

Barcelona ayaa loo doortay kooxda ugu wanaagsan kubadda cagta dunida qarnigan 21-aad.

Sidoo kale hay’adda International Federation of Football, History and Statistics(IFFHS) oo ka faaloota taariikhaha iyo xogaha kubadda cagta ayaa u dooratay Blaugrana kooxda ugu wanaagsan tobanlaha 2011 illaa 2020.

Barcelona ayaa darajadan oo kale loo aqoonsaday tobanlihii 2001 illaa 2010, iyadoo sidaas ku noqotay inay labo tobanle oo xiriir ah hoggaamiso kubadda cagta dunida si ay qabto IFFHS.

Dhanka kale, Barca ayaa tobanlihii lasoo dhaafay hanatay koobab tiro badan oo ay ku jiraan koobka kooxaha adduunka oo ay labo jeer ku guuleysteen, Champions League oo ay labo jeer ku guuleysteen iyo lix jeer oo ay La Liga qaadeen, hase ahaatee, IFFHS ayaa tibaaxday inay koobabka kaliya ku filnayn koox in lagu qiimeeyo tan ugu wanaagsan, hase ahaatee, guulaha kulammada, goolasha ay dhalisay iyo kuwa laga dhaliyay ayaa qayb ka ah waxa qeexaya fiicnaanta kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, IFFHS qiimeynteeda waxaa hoggaamineysa Barcelona oo heshay 2,877 dhibcood, waxaana kusoo xigta Real Madrid oo 95 dhibcood ka hooseysa Barca isla markaasna leh 2,782, halka Bayern Munich oo ku jirta kaalinta saddexaad ay heshay dhibco gaaraya 2,594.5.

Booska Afaraad waxaa soo cariirsatay Paris Saint-Germain, halka booska shanaadna ay ku jirto naadiga Atletico Madrid, taasoo la micno ah inay saddex koox Spain ka dhisay ay ku jiraan shanta kaalin ee ugu sarreysa.

Gremio Porto Alegrense ee dalka Brazil ka dhisan ayaa noqotay kooxda ugu sarreysa ee ka socota meel ka baxsan Yurub, waxayna soo gashay 14-aad.

Marka la eego sanad walba iyo kooxda ugu wanaagsan, waxaa ugu badan Barcelona oo 2011, 2012 iyp 2015 noqotay kooxda sanadka ee qiimeynta IFFHS, halka Real Madrid ay 2015 iyo 2017 noqotay kooxda ugu wanaagsan dunida, Bayern Munich ayaa iyaduna kooxda sanadka noqotay 2013 iyo 2020.