U bood dhigaalka

IFJ Oo Shaacisay In Ku Dhawaad 70 Wariye Lagu Dilay Caalamka Sanadkii Tagay 2020

Sheeko:Amniga
Xiriirka Caalamiga ee Suxufiyiinta ee IFJ ayaa shaaca ka qaaday in 65 weriye lagu dilay adduunka oo dhan sanadkii tagay ee 2020 iyagoo howlahooda gudanaya, iyagoo wajahay sare ukac dhanka xadgudubyada ah, sanadkii la soo dhaafay.
Warbixinta ay uu soo saaray Xiriirka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta ayaa lagu muujiyay in tirada dilalka kusoo korartay, illaa iyo 17 kiis marka loo barbardhigo sanadkii hore (2019), waxana xiriirku sheegay in dilalka ay galaafteen nolosha 2,680 oo isugu jira saxafiyiin iyo xirfadlayaal warbaahineed tan iyo 1990.
Wuxuu sidoo kale sheegay xiriirku in saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta ay dhibane u ahaayeen falalka ay gaystaan ​​kooxaha sameeya dambiyada abaabulan, kuwa xag jirka ah iyo urur-diimeedyada.
Warbixinta Xiriirka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta waxay tilmaamtay in Mexico ay tahay dalka ugu halista badanaa suxufiyiinta sanadkii 2020, iyadoo lagu saleynayo wadarta dhimashada ee dalkasta, maxsico ayaana ku noqotay dalka ugu halista badan ee saxafiyiinta, maadaama lagu dilay 14 weriye, waxaa ku xiga Afghanistan, oo tirada saxafiyiinta lagu khaarijiyay gaareyso 10 wariye, waxaana sadaxaad galay Pakistan oo lagu diley 9 saxafi, Hindiyana waxaa lagu diley 8 weriye, halka dalalka Filibiin iyo Siiriya uu midkiiba diiwaan geliyay dilka 4 weriye, waxaa ku xiga Nigeria iyo Yemen oo 3 weriye lagu diley midkiiba, laba weriye ayaa naftooda kuwaayay Ciraaq iyo Soomaaliya, halka Bangladesh, Cameroon, Honduras, Paraguay, Russia iyo Sweden uu mid kast diiwaan geliyay dilka hal weriye.
Xoghayaha Guud ee Xiriirka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta, Anthony Bellanger, wuxuu ka yiri arrintan: “Sannadka 2020 kama aysan reebaneyn warbixinteena ficilada adag ee dambiilayaasha Mexico, rabshadaha kooxaha xagjirka ah ee Pakistan, Afgaanistaan ​​iyo Soomaaliya, iyo sidoo kale dulqaad la’aanta kooxaha xagjirka ah ee Hindiya iyo Filibiin kuwaas ayaana ka qayb qaatay daadinta dhiigga sii socda. “