U bood dhigaalka

Iftin Baasto Oo Ka Tirsan Isbadal Doonka 2021 Oo Noqday Senator

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii afaraad ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah :

1: Iftin Xasan Iimaan

2: Ibraahim Yacquub Aadan.

Musharax Ibraahim Yacquub Aadan ayaa ka hor inta aan la galin bixinta codadka sheegay in uu ka tanaasulay xilka senatornimada.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in musharax Iftin Xasan Iimaan uu ku guuleystay Kursiga afaraad ee maanta loo tartamay.