U bood dhigaalka

IGAD: Ciidamo Ayaa La Geynayaa Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo maanta gaaray Gaalkacyo ayaa kulan gaar ah la qaatay guddiga nabadda ee magaalada Gaalkacyo.

Wafdigani waxaa hoggaaminayay wakiilka gaarka ah ee IGAD ay u soo magacowday arrimaha Gaalkacyo Axmed Jirde Qalinle waxaana ay kala hadleen guddiga nabadda Gaalkacyo sidii nabadda loo dardargelin lahaa.

Kulankani oo ahaa mid looga hadlayay adkeynta nabadgalyada iyo heshiiskii ay wada gaareen maamullada deriska ah Galmudug iyo Puntland iyo sidoo kale sidii loo kormeeri lahaa goobihii ciidamada ay ku wada dagaallameen ayaa isla maantaba ku soo gebageboobay Gaalkacyo.

Wafdiga ka socday IGAD ayaa sheegay in Magaalada Gaalkacyo la geyn doono ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab.

Axmed Jirde Qalinle ayaa sheegay sababta ciidamadaasi Gaalkacyo loo geynayo ay tahay sidii looga baaqsan lahaa colaad beeleedka ku soo laablaabatay magaaladaasi.

Wuxuu sheegay in IGAD ay xil gaar ah iska saari doonto la shaqeynta guddiga nabadda Gaalkacyo ee labada dhinac kala matalaya.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa sidii hore ka fiican, waxaana dib ugu laabtay magaalada qoysaskii isaga barakacay waxaa dib u shaqo billaabay xarumaha ganacsi halka sidoo kale goobihii waxbarashadana dib loo furey.

Goobjoog News