IGAD Oo Ka Hadashay Weerarada Al-shabaab Ka Geystaan Muqdisho

Urur Goboleedka IGAD ayaa ka hadlay weerarada ay Al-shabaab ka geystaan magaalada Muqdisho, gaar ahaan qarraxyada oo waxyeello badan u geysta shacabka aan waxbo galabsan.

Qoraal kasoo baxay ururka IGAD ayaa ugu horreyn waxaa lagu cambaareeyey weerarkii Arbacadii Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Dayax ee Muqdisho, halkaasi oo ay ku nafwaayeen dad ka badan 10 riix halka 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa lagu sheegay qoraalka IGAD in Al-shabaab ay mar walbo soo maleegaan hagardaamo ka dhan ah shacabka, sidaasi darteedna loo baahan yahay in looga hortago qatar walba si mideysan, waa sida qoraalka lagu yiriye.

Sidoo kale IGAD ayaa ugu baaqday ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iney adkeeyaan amniga guud ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho si looga hortago weerarada Al-shabaab.

Ugu dambeyn ururka IGAD ayaa sheegay in mar walbo ay garab taagan yihiin dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, ayna xoojin doonaan taageeradooda si loo helo Soomaaliya oo amni ah.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW