U bood dhigaalka

IGAD oo ka qeyb qaadanaysa xalka loo raadinaayo khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Urur gobaleedka IGAD ayaa kaalin ka qaadanaysa xalka loogu jiro sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Maxamed Cabdi Afeeyo oo IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in uu ka qeyb qaadan doono xalka loo raadinaayo khilaafka madaxda.

Afeey ayaa sheegay in maanta uu maanta kulan la yeeshay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, uuna ku faraxsan yahay aragti mideysan oo ay isla garteen, taa oo ku aadan xalinta Khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya, isaga oo hadalkiisa ku daray inuu aaminsan yahay in khilaafkaan la xalin karo.

Ugu dambeen ayuu ugu baaqay in dhamaan siyaasiinta Soomaalida ah looga baahan yahay in ay mideysnaadaan, waliba ay xaliyaan khilaaf walba oo dhexdooda ah.