IGAD Oo Ku Baaqday In Faragelinta Laga Ilaaliyo Doorashada Kenya, Lana Ixtiraamo Rabitaanka Shacabka.

Dalalka ku jira maamul goboleedka IGAD oo Isniintii ku shiray magaalada Adis Ababa ayaa war murtiyeedka ay soo saareen uga hadlay arrimaha doorashada dalka Kenya.

War Murtiyeedka IGAD waxaa ku qornaa sidan:

Doorasha soo socota ee Kenya waxaa loogu baaqay in ay u dhacdo si nabadgelyo ah halka dalalka kale lagu booriyay in ay tixgaliyaan madaxbanaanida Kenya iyo in dadka Kenyaanka ah ay xor u noqdaan doorashada dadkii matali lahaa, lagana ilaaliyo faragalinta shisheeye.

Dhinaca kale, waxaa la go’aamiyay in shir madaxeedka soo socda lagu qabto Adis-ababa 31 August 2017 iyada oo ka soo horumarayaan shirka golaha wasiirada ee la qabanayo 29-30 August 2017.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW