U bood dhigaalka

IGAD Oo Labo Ergay U Kala Magacawday Dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan

Sheeko:Dalka

Urur goboleedka IGAD ayaa isniintii labo ergay u kala magaacabay Dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, arrintaasi ayaa ka dhacday magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shir madaxadeedkan oo loogana hadlayey arrimaha Koonfura Suudaan ayaa lagu magacaabay Dr Maxamed Cali Guyo iyo Amb. Ismaaciil  Wais.

Waxaa la magacaabay Dr. Maxamed Cali Guyo in uu noqdo ergeyga gaarka ah ee urur goboleedka IGAD u fadhin doona Soomaaliya.

Waxaa la magacaabay Amb. Ismaaciil  Wais in uu noqdo ergeyga urur goboleedka ee IGAD ee Koofurta Suudaan .

Goobjoog News