U bood dhigaalka

IGAD oo Lacago Ugu Deeqay Abaaraha Somaliland

Sheeko:Dalka

Guddiga abaaraha Somaliland oo ku sugnaa maalmihii dambe dowladda  Jabouti ayaa lagu wareejiyay lacago kaalmo abaareed oo xogeynta IGAD ay isku xilqaantay.

Lacagtan oo ay cadadeedkeedu ahaaa 50, 000 oo dollar ayaa waxaa guddiga ku wareejiyay xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Eng. Maxamuud Macallin oo saldhiggiisu yahay dalka Jabouti.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga abaaraha heer maamul ee Somaliland Xasan Cabdi Salaan, ayaa yiri:

“Waxaan u mahadnaqeynaa xoghayaha fulinta IGAD waxaan uga mahadnaqeynaa deeqda qiimaha badan ee ay nasiiyeen ee ah 50, 000 ee dollar oo gaar ahaan xogeyntu ay bixisay iyagoo kaga jawaabaya tabaalaha ay geysteen abaaraha dalkeenna ku habsaday”.

Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa ka jirta abaar baahsan oo dhibaatooyin culus u geysatay, dunyadii ay ku dhamaatay dadkiina ay halis ugu jiraan iney u dhintaan gaajo iyo haraad.

Goobjoog News