U bood dhigaalka

IGAD Oo Maamuli Doonta Qarashka Ku Baxaya Ballaarinta Garoonka Diyaaradaha Ee Boosaaso

Sheeko:Dalka

Waxaa la filayaa in dhawaan la billaabo wejiga Labaad ee ballaarinta garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, waxaana kaalin ka qaadan doona urur gobaleedka IGAD.

Dhawaan waxaa magaallada Garoowe gaaray wafdi ka socday urur goboleedka IGAD, oo uu horkacayay xoghayaha ururka Maxbuub Macalin ,waxaana qayb ka ahaa wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Somaliya Maxamed Cabdi Afey ,

Wafdigaan ka socday IGAD ayaa sheegay inay Puntland gaar ahaan Garowe ay u yimaadeen hormarinta dhanka mashaariicda oo uu ka mid yahay balaarinta Garoonka diyaaradaha Magaalada Bosaaso.

Wasiirka wasaaradda Duulista hawada iyo garoomada Puntland Xasan Xaaji Saciid Cadde oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in IGAD lagu soo shubayo dhaqaalaha ku bixi ballaarinta garoonka Boosaaso, islamarkaana ay iyagu maamulka lacagta hayn doonaan.

“Lacagaha ku baxaya dhismaha garoonka waxaa bixinaya midowga Yurub gaar ahaan Talyaaniga, IGAD ayaa lasoo marinayaa lacagtaan, iyadaa anaga nagu sii wareejinaysa qeybna ka qaadaneysa maamulka lacagta” ayuu yiri Wasiirka.

Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso oo dhawaan la dhisay ayaa hadana waxaa la doonayaa in la ballaariyo, sidoo kale la dhiso Terminal cusub oo casri ah, islamarkaana laga guuro qeybta hadda lagu shaqeeyo.

Goobjoog News