U bood dhigaalka

IGAD oo Si Kulul Uga Hadashay Dibadbaxyadii Rabshadaha Watay ee Muqdisho

Sheeko:Amniga

Urur goboleedka IGAD ayaa si xooggan u cambaareeyey qalalaasihii ka dhacay Muqdisho iyada oo wax laga xumaado ku tilmaamay cadawtinnimada iyo dagaalka soo cusboonaaday ee u dhaxeeya kooxaha siyaasadda.

‘Ismariwaagan doorashada iyo dagaalkan dhacaya doorashada kahor waxaa uu keeni karaa dhibaato iyo xasilooni darro, waxaa uuna khatar ku yahay nabaddii iyo hannaankii horumar ee socday iyo ladagaalanka argigixisada’ ayaa lagu sheegay qoraalka.

Waxay IGAD ugu baaqday qeybaha kala duwan iney yareeyaan dhibaatada, fiiriyaanna maslaxadda dalka, laga galo wada hadal si loo qabto doorasho loo dhan yahay, oo xor iyo xalaal ah.

Goobjoog News