U bood dhigaalka

IGAD “Soomaaliya Waa In Ay Heshaa Ciidan Qaran”

Sheeko:Dalka

Ururu gobaleedka IGAD ayaa sheegay in xilligaa Soomaaliya ay u baahan tahay ciidan qaran oo mid ah, bedalkii ciidamo badan lahaan lahaayeen maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Ergayga arrimaha Soomaaliya u qaabilsan IGAD Maxamed Cabdi Afeey oo hadal ka jeediyay madashii lagu heshiisiinayay Galmudug iyo Puntland ayaa sheegay in ka urur ahaan ay aad uga damqadeen shacabkii ku dhamaaday Gaalkacyo, waxaana uu tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ay tahay in ciidamo intaan la eg ay haystaan maamul gobaleedyada.

Waxa uu sheegay Afeey in maamul gobaleedyada aanay ahayn wadamo gaar ah oo Soomaaliya ku dhex yaalla, dowladana looga baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku qarameyso ciidamada.

“Soomaaliya waa in ay heshaa ciidan qaran, macquul ma ahan in maamul gobaleed walba yeesho ciidan intaan la eg, meesha ma 10 wadan baa, aaway waajibaadkii dowladda qaran, ciidan Soomaaliyeed oo mid ah baa la doonayaa, sideed ku gaareysaan 2016, ma waxaad ku gaareysaan shacabkaan lala dhacayo taangiyada iyo lidka Diyaaradaha” ayuu yir Afeey.

Dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo 22-kii bishii November iyo 28-kii bishaasi waxay galaafteen nolosha dad badan oo shacab ah.

Goobjoog News