U bood dhigaalka

Ilaalada Madaxweynaha Puntland Oo Dil U Geystay Gabar Dhalinyaro Ah

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada u ah madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ay dileen gabar shacab ah.

Ciidamada ayaa la sheegay in gabadha oo lagu magaacabo Maryan Axmed Caato ay dileen xilli ay la socotay gaari ay saarneyd.

Dilka ayaana yimid kadib gaariga ay gabadha la socotay uu soo dhex galay kolonyo Madxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Illa iyo hadda maamulka Puntland Kama hadlin dilka marxuumad Maryan Axmed Caato, ay u geysteen ciidamada ilaalada u ah madaxweynaha Puntland.

Goobjoog News